Badda Soomaaliya oo a qaaday 7 carruur ah

Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxay maanta baddu qaaday 7 carruur ah, sida ay Caasimada Online masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas iyo qaar ka mid ah ehellada carruurta baddu qaaday.

Sida aan xogta ku helnay laba ka mid ah carruurta ayaa la sheegay in lasoo badbaadiyay maanta, halka mid kalana maykiisa laga soo saaray badda.

Hadda waxaa maqan 4 ka mid ah carruurtii baddu qaaday, waxaana lagu guul-dareystay dadaallo la sameeyey maanta oo lagu soo badbaadinayey carruurta.

Maamulka degmada, dhalinyarada iyo kalluumeysatada magaalada Marka ayaa ilaa hadda wada dadaallo ay ku baadi goobayaan carruurta 4-ta ah ee weli ku maqan badda.

Jimcihii maanta oo carruurtu ay fasaxa ka aheyd goobaha waxbarashada ayay adeen badda, sida ay ehellada carruurtaasi u sheegeen Caasimada Online, kadibna waxaa qabsatay xaalad adag, kadib markii mowjado duufaan ah ay kaceen.

Toddobaadkii dhamaaday hay’adda Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in laga cabsi qabo in magaalooyinka koonfurta dalka ee saaran xeebta ay ku soo fool-leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Laly, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.