Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bari.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo mararay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Ijaara, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa dhankeedda guul ka sheegtay dagaalka, waxayna shaacisay inay gubtay mid kamid ah kolonyada ciidanka Kenya, ayna dishay askar, sida ay hadalka u dhigtay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa nawaaxiga magaalada Gaarisa oo ah halka lagu dagaalamay.
Muddooyinkii u dambeeyay weerarada ayaa sii kordhayay, waxaana sidoo kale gobolka ciidamo badan oo milatari ah kusoo daabushay Kenya, si ay u xaqiijiyaan amniga guud.