R/W Xamse oo la kulmey danjiraha qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Kulanka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda iyo Daniiraha ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal. Sida lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey sida ay Dowladda Qatar taageerada u siiso Soomaaliya guud ahaa, gaar ahaan dhinacyada kala ah: Amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi Dhinaciisa ayaa dhankiisa ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.