Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling, oo uu weheliyo madaxa Save the Children Somalia, Mohamud Mohamed Hassan.
R/Wasaare Xamza ayaa masuuliyiintaas kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed.
Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.
Axdiga ay xiligaas saxiixday Soomaaliya ayaa dhigaya sida ay lama huraan u tahay in laga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.
Duruufaha ay wajahaan carruurta Soomaaliyeed waxaa ka mid ah macluusha, cudurrada iyo tacadiyada ay qaarkood kala kulmaan goobaha warbarashada iyo qoyskooda, waana tan ugu daran ee sababtay in dunidu ka sameyso axdi gaar ah.
Dalalka saxiixay axdiga Qaramada Midoobey ee ilaalinta xuquuqda carrurta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu dabagalaa dhaqan gelinta heshiiskaas, waxaana mararka qaar dhacda in wadamada qaar lagu helo cadeymo muujinaya in heshiiskaas aysan dhaqan-gelin.