Guutada Al-Qasam ee Xamas oo gacanta ku dhigay askar cusub oo Israa’iiliyiin ah

Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in ay ku qabsadeen askar Israa’iliyiin ah waqooyiga Gaza. Afhayeenka guutada Al-Qassam oo ah garab militeri ee Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay in askar cusub lagu qabsaday marinka Gaza.

Muuqaal fidiyoow ah oo laga soo duubay Abu Cubeyda ayuu ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qassam ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa weli duqeynaya Gaza iyo hareeraha magaalada Rafax. Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay weeraradan oo ka dhacay qeybo kala duwan oo Gaza ka tirsan.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo ku weerartay dhinca Tel Aviv markii ugu horeysay ku dhawaad afar bilood.

Dhawaqa digniinta in gantaalo soo dhacayaan ayaa laga maqlayay magaalooyin ay ka mid yihiin Herzliya, Petah iyo Tikva.

Sidoo kale muuqaal la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya god weyn uu sameeyay madfac ku soo dhacay meel bannaan oo u dhow magaalada Kfar Saba.