Muqdisho oo looga dabaal-degay aqoonsi uu bixiyay Xasan Sheekh

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dabaal-dagay aqoosiga degmonimo ee uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo xalay ka dhacday degmada cusub ee Gubadley.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay duqa magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi, golayaasha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo madaxda qaranka uga mahadceliyay aqoonsiga degmonimo, wuxuuna sheegay inay tahay guul wayn oo usoo hoyatay reer Gubadley.

Intaas kadib Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadalka qaatay ayaa qiray in shacabka Gubadley ay dulqaateen, balse ugu dambeyn ay guuleysteen, wuxuuna kula dardaamay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta degmada.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha Soomaaliya ansixiyay saddex degmo oo kala ah Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo gobolka Banaadir ka dhigay 20 degmo, waxayna tallaabadan kusoo aaday, xilli loo diyaar garoobayo doorasho qof iyo cod ah.