Hugaamiyaha Maamulka SSC-KHAATUMO Oo La kulmey masuul Turkiga kasocda..

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhiggiisu yahay Laascaanood ayaa haatan bilaabay inuu si gaar ah ula macaamilo dowladda Turkiga.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa booqday xurunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Hoggaamiyaha SSC ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud. Amb. Alper AktaÅŸ iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, gaar ahaan macaamiilka tooska ah ee labada dhinac.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhowaan lagu wareejiyay difaaca badda Soomaaliya, kadib heshiis uu la galay dowladda dhexe.

Khaatumo oo weli ah maamul curdun ah ayaa wadda dadaallo dheeraad ah, waxaana dhowaan hoggaamiyahadeed uu u baxay safar dibadeed oo ku aadan hormarka maamulka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada degmooyin kamid ah gobolka Sool, ayada oo mar kasta la filan karo in dagaalka uu dib usii qaraxo.