Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa kulan ay wada yeesheen waxa ay uga arrinsadeen xoojinta xiriirka labada dhinac & iskaashiga ka dhaxeeya.
Fartaag ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujinayaan Soomaaliya taasina ay ka tarjumayso heerka uu gaarsiisan yahay cilaaqaadka labada Dalka sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka.
Danjire Aktas ayaa dhinaciisa waxa uu Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ku bogaadiyay doorka uu ka qaadanayo adkaynta nabadgalyada iyo dedaalka Dowladdu gelinayso.
Safiirka cusub Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo qaar kale oo kamid ah wakiillada ku sugan Magaalada Muqdisho.