Xiisadda ka taagan Degmada Bardaale oo Waji cusub yeelatay

Xiisadda colaadeed ee ka taagan gudaha degmada Bardaale ayaa kasii dareysa, waxayna haatan yeelatay weji cusub, kadib tallaabo ay qaaday Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo si kulul uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale ee lagu dilay taliyihii degmadaasi ayaa sheegay inay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cabdulqaadir ayaa meesha ka saaray waxa dagaalamay ay yihiin maleeshiyaad iyo ciidanka amniga, balse waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ay soo qaaday weerarka, kadibna laga hortegay.

Wasiirkii hore ee haweenka Soomaaliya Xaniifa Xaabsade oo qoraal soo saartay ayaa tiri “Marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa dhamaan intii kudhimatay dagaalkii maanta dhacay degmada Berdaale oo uga horeeyo teliyihii saldhiga Berdaale . Intii dhimatay Allah haunaxariisto intii dhaawac ahna caafimaad deg deg Allah hasiiyo”

Sidoo kale waxay sheegtay in waxa dagaalamay ay yihiin wiilal ehel ah, ayna horay uga digeen in lasii huriyo colaadda beelaha.