Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya oo ay ka soo qeyb galeen Hantidhowrayaasha guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa tilmaamay ahmiyadda gaarka ah ee uu Xafiisku siinayo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta kala dhexeeysa Xafiisyada Hantidhowrada ee DXDFS, si sare loogu qaado isla-xisaabtanka, dahfurnaanta iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
Kulanka oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa maalinka koowaad waxaa diiradda lagu saarayaa gorfeyn ku aaddan yoolasha iyo ahdaafta Xafiisyada Hantidhowrka Guud labadiisa heer iyo howlagalada baariseed ee sanadihii la soo dhaafay Xafiisyadu fuliyeen.