Doorashadii ka dhacday Dalka Maksiko ayaa la sheegayaa in guul muhiim ah uu ka gaaray Xisbiga Talada Haya, Haweeneyda musharraxadda u ahayd ee lagu magacaabo Claudia Sheinbaum ayaa durba billowday dabbaaldegyo.
Xisbiga MORENA ayaa guushaan sheegtay wayar kaddib markii lasoo afmeeray doorashada ama codbixinta waxaana uu ku tilmaamay guul muhiim ah oo dhinaca natiijada Doorashada ah oo uu ka gaaray sida hadalka loo dhigay.
Aragti uruurin ay samaysay xarunta Parametria ayaa lagu muujiyay in Haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum ay heli doonto 56% codadka la dhiibtay ee la tiriyay halka musharraxa mucaaradka ay heshay 30%.
Sheinbaum waa 61 sano jir xilal kala duwan kasoo qabatay Dalka Maksiko sida Duqa Magaalada Caasimadda u ah Dalkaas ee Mexico City, intii ay ku jirtay ololaha doorashada ayay wacad ku martay in ay isbaddel wayn u horseedi doonto Dalkaan dhaca waqooyiga Ameerika.