Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-degga ah ee hey’adda SoDMA.
Xaruntaan oo baahi badan loo qabay hirgelinteeda ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-degga ah iyo ka jawaabidda xaaladaha adag ee bulshadu ay la kulanto, iyadoo dadka dhibaatooyinka la kulma ay hadda kadib hey’adda ka wici karaan lambarka gaaban ee 449.




