Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo musuq ku waysay Cabdullaahi Maxamed Cali & Maxamed Cadde Mukhtaar

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa dambi ku waysay Cabdullaahi Maxamed Cali & Maxamed Cadde Mukhtaar oo horay usoo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labadaan mas’uul ayaa lagu eedeeyay kiis la xiriira in ay sameeyeen musuq ama wax isdaba-marin balse waxaa eeddaas ka beriyeelay Maxkamadda Gobolka Banaadir, Xafiiska xeer ilaalinta ayaa racfaan u qaatay Maxkamadda rafcaafka ee Gobolka Banaadir oo ugu dambayn ayiday (raacday) xukunkii hore.

Dhanka kale, Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi saddex sano ah ku xukuntay Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo katirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir waxa ay dhowrkii todobaad lasoo dhaafay dhagaysi marisay kiisas la xiriira musuq lagu soo eedeeyay mas’uuliyiin qaarkood xilal kala duwan Dowladda Federaalka ka haya iyo qaar kale oo horay xilal usoo qabtay.