Lafta-gareen oo kulan la qaatay Ciidanka itoobiya ee Baydhabo kusugan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta ciidamada Itoobiya ee ku sugan maamulkaasi, xilli dowladda dhexe ay qorsheyneyso inay gebi ahaan ciidamadaas laga saaro dalka, kuwaas oo hadda qayb kamid ah ATMIS.

Lafta-gareen ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ciidamada Itoobiya iyo saraakiishooda, kaas oo looga hadlay amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

“Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga Hadlayey Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed la qaatay Saraakiisha Ciidanka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howlgalka ATMIS” ayaa lagu yiri.

Kulankan ayaa imaanaya, ayada oo maalmo dhaweyd dowladda Soomaaliya ay shaacisay go’aan ka dhan ah ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in laga saarayo dalka, hase ahaatee waxaa arrintaas ka horyimid Koonfur Galbeed oo ay ka howlgalaan deegaankeeda.

Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in ciidamadan ay ka gacan siiyaan amniga iyo dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay sii joogi doonaan deegananadeeda.

Arrimahayan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan ciidanka Itoobiya ee jooga dalka.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.