Magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Guddiga loo xilsaaray qaban-qaabada iyo diyaarinta Maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun & 1da Luuliyo oo ku asteesan markii xorriyadda ay qaateen Gobollada Waqooyi, Koofurta & israacii labada Gobol.
Kulankaan waxaa shir Guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh waxaana xubnaha Guddigaan ooga dhagaystay Warbixin la xiriirta waxyaabaha u qabsoomay.
Xubnaha Guddiga oo u badan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay warbixin guud ka bixiyay dhinaca Amniga, dedaallada kala duwan ay wadaan iyo adkaynta nabadgalyada goobaha munaasabadda loo asteeyay.
Guddiga Maalmaha xorriyadda ayaa kordhiyay kulamada dhexdooda ah iyada oo ay dhinac wadaan abaabulka diyaarinta maalmahaan si hab maamuuska iyo xafladaha ay ka qaybgalayaan Madaxda Dowladda loo xoojiyo.




