XOG:-Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaya diyaaradii la waayey uuna la socday madaxweyne ku xigeenkii dalka Walaawi.

Diyaarad militari oo siday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima, iyo sagaal qof oo kale ayaa la waayey galinkii hore ee Isniintii shlay, taasoo keentay in la bilaabo hawlgal baadi-goob ah. Diyaaraddan ayaa ka ambabaxday caasimadda Lilongwe waxayna ku wajahneyd garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mzuzu, balse waxay raadeerka ka baxday waxyar kadib markii ay duushay.

Madaxweynaha Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa kansalay safar uu ku tegi lahaa Bahamas si uu diiradda u saaro hawlgalka baadi-goobka iyo badbaadinta diyaaradda. Madaxweynaha ayaa ku amray masuuliyiinta qaranka iyo kuwa maxalliga ah inay sameeyaan hawlgal deg-deg ah si loo helo halka ay diyaaradda ku dambeysay.

Agaasimaha ciidamada Malawi, Gen. Valentino Phiri, ayaa u sheegay madaxweynaha in dhammaan isku dayada lagu doonayay in xiriir lala sameeyo diyaaradda tan iyo markii ay raadeerka ka baxday ay ku guuldarreysteen.