Booliska Muqdisho Oo gacanta kusoo dhigay shabakad Halis Badan..

Taliska Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha kale ee ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay rag badan oo ku dhowlanaa dhaca dadweynaha Muqdisho.

Ragga lasoo bandhigay ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waa 16 eedeysane oo loo heysto inay geysteen falal isku jira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne, kuwaas oo hadda lasoo bandhigay iyagoo maxaabiis ah.

Sawirrada 16-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah, halka qaarkood ay wataan Tooreeyo ay dadka ku dhici jireen.

Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto.