Maamulka Soomaaliland Oo Ciidamo geeyay Deegaanka Ceel Afweyn

Maamulka Soomaaliland ayaa boqolaal ka mid ah ciidamadooda waxa ay Maanta kusoo bandhigeyn deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sool halkaas oo ay kuĀ  wada dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Xubno uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaalind Maxamed Kaahin Axmed ayaa Ciidamadaas waxa ay kula hadleen Bartamaha deegaanka Ceel Afweyn,iyaga oo ku amray in amniga ay xaqiijiyaan maadaama halkaasi dhowr mar ay dagaalo ka dhaceyn.

Ciidamadaan Soomaaliland ay kusoo bandhigtay Ā deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli xiisad dagaal oo u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee isla gobolkaasi Sool.