AS oo weerar ku qaaday deegaanka buula-xaaji ee jubbada Hoose.

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen deegaanka Buula Xaaji oo ay maalin kahor qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Jubbaland, isla-markaana uu aad ugu farxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay xoreynta deegaankaasi.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa lasoo wariyay in weerar aarbushaad ah ay ku qaadeen deegaankan oo hoostaga magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana kadib xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Iska hor imaadka dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo socday muddo daqiiqado ah ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay, waxaana dib loo celiyay dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

Deegaankan ayaa waxaa horay u tagay mas’uuliyiin ka tirsan  dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiil ciidan, si ay u dhiirogeliyaan ciidamada xoreeyay halkaasi.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qabashada Buula Xaaji ayaa u hambaleeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee fuliyay howlgalka looga adkaaday Al-Shabaab.