Qalinjabinta Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee Jaamacad ku taal dalka Rwanda
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay xaflad ay ku qalinjabinayeen saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed. Saraakiishaan ayaa ku soo barteen hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda xasaradaha, waxayna qaateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda. Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxaana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Afrika, taas oo muujinaysa iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka amniga ee u dhaxaysa wadamada Afrika.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, wuxuu sheegay in tababarka iyo aqoonta ay saraakiishu ka heleen Jaamacadda Rwanda ay muhiim u tahay tayaynta iyo horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu ku bogaadiyay saraakiisha qalinjabisay dadaalkooda iyo go’aankooda ku aadan in ay u adeegaan dalkooda si daacad ah. Xaflada qalinjabinta waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Rwanda iyo hay’adaha kale ee amniga, kuwaas oo dhamaantood bogaadiyay wada shaqaynta iyo tababarada la siinayo ciidanka booliska ee ka socda dalalka Afrika.
