Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Xuseen Cagey oo hoostagta magaalada Masagawaa.
Ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadeen halkaas ayaa weerar kala hortegay, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal culus.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay waddada u galeen xubnaha Al-Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weerar soo qaadaan, kadibna ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ahaa mid xoogan, waxaana looga adkaaday Al-Shabaabka ku socdaalayay waddada, kuwaas oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Xuseen Cagey oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.
Weerarkaas oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kastaa uu soo bandhigay khasaaraha uu gaarsiiyay kan kale.