Saciid Deni oo eedayn ujeediyay dowlada dhexe.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay Kalfadhiga 54aad ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas ayaa dul istaagay xaaladaha dhinaca Amniga, Siyaasadda, Khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka & kuwo kale.

Siciid Deni ayaa Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ka codsaday in Ajandaha Golahaan lagu daro ka doodista khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka si go’aamada Xukuumadda qaadanayso ay u noqdaan kuwo si wadajir ah looga warqabo.

Deni ayaa soo hadal qaaday in Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama uu yahay Xeer dejinta Dowlad-Goboleedkaas looga baahan yahay in uu si gaar ah ula socdo ugana warqabo dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Baarlamaanka Federaalka uu wado.

Deni ayaa horay u sheegay in uu hakiyay Wadashaqaynta Dowladda Dhexe ee Federaalka & Dowlad-Goboleedka Puntland waxaana uu diidmo kala hortagay dhammaystirka Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Dalka halka uu ka baaqday shirarkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka yeeshay.