Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed.
Madaxweynaha ayaana yiri “ Waxaan halkaan uga hambalyeynayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug-ba munaasabadda ciidul Adxaa Awgeed, kuna beegan sanadka 1445H, innaggoo ilaahey ka baryeyna inuu sanadkaan sanadkiisa innagu gaarsiiyo nabad iyo caafimaad. Waxaan sidoo kale rabaa inaan bulshada ku baraarujiyo iney is garabsadaan, taageeraan kooda taagta daran si gaar ahna maalmaha farxadda looga farxiyo masaakiinta.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha ah ee sugan furimaha ay cadawga uga soo horjeedaan, isagoo ku ammaanay geesinnimadooda.