Ciidamada Mareykanka ayey suurta-gal tahay inay dileen hoggaamiyihii guud ee kooxda Daacish ee caalamka Cabdulqaadir Muumin, sida lagu sheegay warbixin cusub.
Cabdulqaadir Muumin ayaa ahaa bartilmaameedka duqeyn uu Mareykanka 31-kii May ka fuliyey meel 50-mile koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso, sida ay saddex sarkaal oo Mareykan ah u sheegeen NBC News.
Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida lagu sheegay bayaan xilligaas ka soo baxay AFRICOM.
Muumin ayey Mareykanku si shaacsan u sheegeen inuu yahay madaxa Daacish ee Soomaaliya, hase yeeshee laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa hadda shaaca ka qaaday in uu si hoose ugu gudbay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish ee caalamka oo dhan, sanadkii tegay.
Amiirkii Daacish ee isaga xilka kaga horreeyey Abu al-Hasan al-Hashimi al-Qurashi ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya bishii November 2022.
Kooxda argagixisada ayaa weli haysata kumannaan argagixiso oo ku kala sugan adduunka oo dhan, iyadoo badankooda ay ku badan yihiin waqooyiga Ciraaq iyo waqooyi bari Suuriya, sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka Mareykanka.