Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xubnaha labada gole ee Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, iyo shaqaalaha dowladda kula tukaday xarunta Inji.
Madaxweynaha ayaa Madasha kaga hadlay dib u heshiisiinta, isagoo carabka ku adkeeyay in nabadda iyo wadajirka ay yihiin furaha horumarka iyo mustaqbalka wanaagsan ee Galmudug. Waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaadaha qabiillada iyo in la xoojiyo isku duubnida iyo wadajirka bulshada.




