Ciidamada Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Guutada 16-aad ayaa maanta waxay Salaadda Ciidda ku oogeen Jiidda hore ee howdka.
Ciidankan oo muddooyinkii dambe ku sugnaa howdka degmada Ruuni-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta ku ciidday halkaasi oo ay ka waddaan howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Bartamaha sanadkii hore ee 2023-ka ayey aheyd markii ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood iyo deegaanno hoosyimaada oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxda ayaa degmada iyo deegaanada ku teedsan aad u jecel, maadaama ay yihiin dhul howd ah, waxaana marar badan ay isku dayeen inay dib u qabsadaan, taasi oo kusoo dhamaatay fashil
Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa sanadkii tegay kamid noqotay magaalooyinkii kooxda Al-Shabaab, uuna illaa hadda ka socda howdkeeda howl-gallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda.