Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu uga falceliyay fariimaha ay soo gudbinayaan Wasiirro katirsan Itoobiya oo marin habaabin ah.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa riyo maalmeed ku tilmaamay hadallada inta badan ay adeegsanayaan Wasiirrada Katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Xiisadda afka ku siman ee Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya waxa ay soo shaac-baxday 1dii Janaayo sanadkaan 2024 kaddib markii Xukuumadda Abiy Ahmed ay shaacisay in heshiis kahor imaanaya Madaxbannaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya la gashay Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin diblumaasi oo ay uga hortagayso damaca gurracan ee Itoobiya iyada oo ay la wadaagtay Hay’adaha ay xubnaha kawada yihiin halka Dalalka qaar ay si toos ah u cambaareeyeen xadgudubka Itoobiyaanka.