Mudo 14 Sano ah Oo uu Katirsanaa Koox AS Ayuu kasoo Goostay,Waxuuna Baaq udiray Dhalinyarada Ku Harsan kooxda….

Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay.

Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.