Wasiir Faarax oo kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan imtixaanka Dugsiyada sare ee degmada Balcad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir  ayaa maanta kormeer ku tagay degmada Balcad ee gobalka shabeellad dhexe, isag kormeer ku tagay xarumaha ay ka socdaan ee imtixaanka shahaadiga ah ee  dugsiga sare ee degmadaas.

Kormeerkan ayaa ahaa mid uu Wasiirka ugu kuur-galayay habsami u socodka Imtixaanka dugsiga sare, waxaana ku wehliyay kormeerka Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad) iyo Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug.

Wasiirka oo halkaas kula hadlay warbaahinta ayaa bogaadiyay habsami usocodka howsha imtixaanaadka, waxa uuna u rajeeyey in uu si nabad qab ah Ilaahay ugu dhameeyo, sidoo kale wasiirka ayaa ardayda u rejeeyay in ay helaan natiijo ay ku farxaan.

Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir  ayaa ku soo aadayo, xilli goballada dalka laga wada galaayo imtixaanka qaranka ee dugsiga sare, kaas oo maalnimadii sabtida uu daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.