Golaha Wasiirrada oo ansixyey Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka oo ka kooban 8 qodob

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Shirka maanta oo shirguddoomiyey Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu meelmariyey Qaraarkaan, kaas oo lagu sheegay in laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran.

Qaraarkaan ee maanta lagu meelmariyey shirka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay aqoonsi siineyso Somailand oo Madaxweynaha maamulkaas uu heshiis la galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Qaraarkaan ayaa weli si rasmi ah warbaahinta u helin xogo ku saabsan, balse waxaa la horgeyn doona Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka doodi doona qodobada uu ka kooban yahay qaraarkaan.