Wasiirka Amniga gudaha oo soo xiray Tababar

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo uu wehliynayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Ahmad Firin ayaa tababar u soo xiray horimmo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Haram Cad.
Wasiirka Fartaag ayaa ku ammaanay Saraakiisha iyo askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka, waxa uuna soo bandhigay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo ATMIS kala wareega amniga dalka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tababar u furey Labo Horimood oo ka kala tirsan Haramcad iyo Banda Music ee Boliiska Soomalaiyeed.