Galmudug & Puntland oo Ciidan isku dhaf ah kala dhex dhigay Beelo ku dagaalamay Gobolka Mudug

Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa ciidamo isku dhaf ah oo wata Gaadiidka Dagaalka kala dhex dhigay Beelo walaalo ah oo maleeshiyaadkoodu ku dagaalameen deegaanno katirsan Gobolka Mudug.

Ujeedka Ciidankaan loo kala dhex-dhigay Maleeshiyaadkaan ayaa ah in marka hore la helo xabbad-joojin kaddibna ay wadahadal isugu tagaan Duubabka Dhaqanka labada Beel si loosoo afjaro dagaalkaas sababay dhimashada & Dhaawaca in ka badan 20 ruux.