Maxkamadda CQS oo Dil toogasho ah ku Xukuntay Nin Horay u dilay 3-Alifle Xoogga Maxamed Xasan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta Xukun dil toogasho ah ku ridday Dable Booliis Cabdisamad Faarax Nuur oo ku magac dheer Minishiibiyo oo ku eedeysan in uu Dilay Saddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud 11-Abriil 2024.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana uu Marxuumka uu la socday Mooto Bajaaj lagu hubiyay bar kontorool oo uu joogay Eedeysana balse markii la baaray kaddib ay mootadu istaagtay meel aan ka fogayn goobta.

Mootada ayaa la sheegay in ay sugaysay qof la socday oo kahor intii baaristu ku socotay balse damacsanaa in uu sii raaco, Askariga Dilka Geystay ayaa u tagay Mootada oo ku amray in ay dhaqaaqdo kaddibna ku riday Xabbad madaxa uga dhacday Marxuumka sida hadalka loo dhigay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa loo gudbiyay Kiis dacwadeedka la xiriira arrintaan iyada oo Xafiiska Xeer ilaalinta uu gudbiyay caddeymaha & marqaatiyaasha ay ku go’aan gaartay Maxkamaddu halka qareenkiisa uu difaacay eedeysanaha.

Dil toogasho ah oo ah Qisaasta Saddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay Dable Booliis Cabdisamad Faarax Nuur Minishiibiyo sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo katirsan Garsoorka Maxkamadda Derajada 1aad ee CQS.

Maxkamadda ayaa sidaan oo kale waxa ay horay xukunno isugu jira Toogasho, Xabsi & Bixinta Mag ama diyo ku ridday Askar lagu eedeeyay in ay dilal u geysteen Dad Shacab ah iyo Askar kale oo katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.