Xasan Sheekh oo ka gaaray Caasimada Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, ayada oo kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal.

Horraantii sanadkan unbey aheyd markii madaxweynaha uu safar ku tegay Asmara, maalmo un kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay heshiis is-afgarad ku gaareen Addis Ababa, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu Itoobiyaanka ugu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli heshiiskan mana noqon mid dhaqan-gala.