Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dalka Ciraaq kula kulmay Madaxweynaha dalkaasi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq,  Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, sidoo kale Xamsa ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada amniga, waxbarashada iyo diblumaasiyadda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal, xilli dalkaasi ay ku sugan yihiin arday badan oo waxbarasho u jooga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa dalka Ciraaq ku sugan, isaga oo halkaas  kulamo kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalkaasi.