Waxaa Hada Istaagtay Xabad Ama Dagaal Toos ah oo kasocday Gudaha Xabsiga xamar ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa ka Bilowday kadib markii Qaarkamid ah maxaabiista ay Heleen Hub iskugu jira Qoryo iyo Bambooyinka Gacanta Laga Tuuro.
Dagaalka ayaa kasocday Gudaha Xabsiga Mudo sodon Daqiiqo ah mana Jirto Qasaare laga Soo Wariyay Goobta Inkastoo aysan Jirin Cid Xaqiijin Karta.
Laamaha Amniga Dowlada dhexe Qasatan Saraakiisha Ciidamada Asluubta Oo gacanta Ku haaya Xabsigaan Kama Hadlin Wali Iska Hor imaadkaan Iyo qaabka Ay Ugu suuro gashay Maxaabiista inay Hub Helaan oo Ay Ka dhex dagaalamaan Xabsiga.
Wixii Warar ah Ee kasoo kordha Halkaan kala Soco