Nin hubeysan oo Muqdisho ku dilay Haweeney ay kala tageen & Hooyadeed

Nin hubeysan ayaa toogasho wadareed Magaalada Muqdisho ugu geystay Haweeney ay horay u kala tageen (Uu Furay) & Hooyadeed (Sodohdiis) waxaana isla goobta uu ka baxsaday kahor inta aysan gaarin Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Nasteexo Nuur Dable ayaa horay ugu dhaxday Ninka nafta dhaafiyay ee baxsad ah waxaana uu dhaawac halis ah u geystay Muslimo Macallin oo ah Hooyada dhashay Haweeneyda geeriyootay oo ugu dambeyn dhaawacaas u ruux baxday.

Xubno katirsan Ehelka Dadka dhibaatadu gaartay ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu Ninkaan Dilka geystay uu u hanjabayay Marxuumadda kaddib markii ay guursatay Nin kale balse ugu dambeyn hadalkaas uu ficil xalay u rogay.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka ayay ka dalbadeen in ay gacanta kusoo dhigaan Ninkaan Baxsaday ee ku eedeysan in uu Dilka wadareedkaas geystay waxaana ay sheegeen in qaboojiye la geliyay labada Marxuum.