Trump oo ka bad-baaday isku day dil

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib rasaas la furay.

Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa rasaasta, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta.

Waxaa sidoo kale la arkayey Trump oo ka dhiig-baxaya dhegta ama qeybta midi gee wejiga, islamarkaana uu gacanta ku hayo daanka.

Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah.

Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan.

Xeer-ilaaliyaha Butler, Richard Goldinmger ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in la dilay nin dabley ahaa, sidoo kalena uu dhintay mid ka mid ah dadkii ka qeyb-galayey isu soo baxa.