Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa saaka soo kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo u kuur galay habsami u socodka shaqada Wasaaradaha.
Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan horumarada ay sameynayaan labadan wasaradood ka dhagaystay Wasiirada iyo hawlwadeenada, Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey sida hufan ee shaqalaaha Wasaaraduhu ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, sida ay u ilaalinayaan wakhtiga shaqada iyo soo dhawaynta sare ee ay ku qaabilayaan shacabka u soo adeeg doontay.
Kormeerka Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Fidhiye) ayaa ku soo aadayo xilli uu    dhowaan safarro ka soo laabtay ayaa maanta kormeer ku tegey xarumaha wasaaradaha Maaliyadda iyo arrimaha gudaha maamulkaasi.