Ciidanka DF oo Miinooyin kasoo saaray Waddaada isku xirta Megawaay & Baraag Sheekh Caamir

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa ku guulaystay in ay soosaaraan miinooyin ‘AS’ ay galiyeen Waddada xiriirisa Deegaannada Mesagawaay & Baraag Sheekh Caamir.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay miinooyinkaan ay soosaareen oo ay ku sheegeen in laga hortagay waxaana Saraakiisha Ciidamada hoggaaminaya ayaa intaas ku dareen in howlgalladooda sii socon doonno.

Dhowr jeer Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay waxyeello kasoo gaartay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyinka lagu aaso qaybo kamid ah waddooyinka deegaannadii ugu dambeeyay ee gacanta ku dhigeen.

Sidaas oo kale, Ciidanka Dowladda ayaa marar kala duwan ku guulaystay in ay soo saaraan miinooyin ‘AS’ ay ku aastay waddooyinka qaar waxaana si joogta ah howlgal Miino-baaris ah wada ciidamada Federaalka.