Saciid DENI oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland ay lee yihiin xuquuq lamid ah bulshada deegaanka.

Deni ayaa si weyn u diiday in dadkaasi loogu yeero barakacayaal, wuxuuna tilmaamay in mar hore ay liiskaas ka saartay dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday  inuu xilal siyaasadeed u magacaabi doono shaqsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanada Puntland, si ay talada wax ugu yeeshaan.

Waxaa kale oo jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda ku jira ururada siyaasadda ee Puntland, kwuaas oo rajo ka qaba doorashooyinka deegaanka ee ka dhacaya Puntland.