Ciidanka Howlgalka Kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ee fadhigoodu yahay Gobolka Shabeelaha ayaa la sheegay in ay dileen Dad rayid ah kaddibna ay Gorwaceen sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.
Maadeey Jeylaani Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Kuntuwaarey balse haatan jooga Buula Mareer ayaa Mustaqbal u sheegay in Ciidanka ATMIS ay toogteen Dadkaan oo gaaraya 2 ruux kaddibna ay Gowraceen.
Qof saddexaad oo la socday labada Marxuum ayuu Maadeey sheegay in uu baxsaday isaga oo Dhaawac ah, sababta arrintaan dhalisay ayuu ku tilmaamay in Ciidamada ATMIS oo howlgal roondo ah ku jira ay la kulmeen Dadkaan oo ah Beeralay.
Shacabka ku sugan Magaalada Buula Mareer Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa Dalbaday in lala xisaabtamo Ciidankaan Midowga Afrika ee ATMIS kaddib oo inta badan Rasaas ku fura Dadka Beeralayda ah.