Mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda federaalka iyo Galmudug oo goordhow gaarey magaalada Caabudwaaq, halkaasi oo dhawaan maleeshiyaad hubeysan ay hub ka yimid Itoobiya ku qabsadeen.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdigan ayaa magaalada Caabudwaaq u tagey sidii hubka looga soo aruurin lahaa dadka shacabka ah ee gacanta ku dhigay hub faro badan oo ka yimid gudaha dalka Itoobiya.
Hubkaan ayaa waxaa la sheegay in uu rarnaa ganacsto, iyada oo maleeshiyaad hubeysan ay ku qabteen deegaanka Shiil-madow oo hoos yimaada magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.