Khasaare ka dhashay markab ku dagey xeebaha dalka Cumaan

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, sagaal kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii Markab saliid qaada uu ku degay xeebaha dalka Cumaan.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay inuu markabka quusay xilli uu marayay meel 25 nautical miles u jirta magaalada Ras Madrakah ee dalka Cumaan.

Markabka ayaa la sheegay in ay la socdeen 13 Hindi ah iyo saddex kale oo u dhashay Sri Lanka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay in markabkan oo ka babanaayay calanka dalka Komoriya uu dego, balse ciidamada badda Hindiya, oo soo diray Markab dagaal si uu gacan uga geysto howlgallada gargaarka.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada badda Hindiya ayaa lagu sheegay in siddeed qof oo u dhashay Hindiya ay ka mid ahaayeen dadka la soo badbaadiyay, iyadoo kooxaha Hindiya iyo Cumaan ay sii wadeen baadi goobka.