Madaxweynaha Soomaaliya OO Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha golaha baarlamaanka bulshada bariga afrika, Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho ku jooga dalka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya baarlamaanka dalladda bulshada Bariga Afrika ee EAC iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee gobolka.

Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo wafdigiisa ayaa madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran.