Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay bixineyso Diiwaanka Carruurta ku dhasha Isbitaallada, Shahaadada Guurka & Furiinka.
Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay gudaneyso waajibka saaran isla markaana ay dhexda u xiratay sidii Bulshada Caasimadda ku sugan ay u heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Nikaaxa iyo Furiinka kahor burburkii uu ahaa mid Maxkamad loo aado si aanay dayac ama mas’uuliyad darro uga dhicin Ubadka qoyska sida uu yiri.
Waxa uu Tusaale usoo qaatay Carruurta Darbi-jiifka ah iyo kuwa lagu tuuro waddooyinka qaar waxaana uu sheegay in haddii uu jiri lahaa go’aan adag ama Shahaado guur iyo dalaaq ku saabsan in aanay arrintu sidaas ahaan lahayn.
Dowladda Hoose ee Xamar waxaa horyaalla bixinta adeegyo badan oo baahiyo gaar ah u qabaan Bulshada, Dad qaar ayaa soo jeediyay in iyada oo la eegayo dhaqaalaha Dalka iyo Xaaladaha gaarka ah in la dabciyo qiimaha ku baxaya adeegyadaan.