Dowladaha Turkiga iyo Masar oo si kulul uga hadlay weerarka ka dhacay Xeebta Liido

Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa si kulal u cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Hoteelka Beach View ee ku yaalla Xeebta Liido.

War-saxaafadeed ka sii baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Masar ayaa waxaa tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga ayaa muujisay sida ay uga xun tahay weerarka ka dhacay xeebta Liido, kaasoo galaaftay nolosha tobaneeyo qof.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilligan adag.

Weerarka ka dhacay Hoteelka Beach View, booliiska waxaa ay sheegeen in ay ku geeriyoodeen 32 qof, halka tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen.