Jubbaland oo goob fagaraa ku toogatay rag katirsan AS Iyo ciidamada qalabsida

Jubbaland Ayaa maanta Dil Toogashaa Ku Fulisay Xubin Katirsan Kooxda AS oo Ay Gacanta Kusoo dhigeen iyo Askari Katirsanaa Ciidamada Qalabsida oo Loo Haysto Dilka Qof Shacab ah.
Ragaan oo ah Labo Nin ah Ayaa mid Yahay Xubin lagu helay Katirsananta AS, Halka Kan kalana Yahay Askari Katirsan Ciidamada Jubbaland Ragaan Ayaa lagu kala Magacaabaa Yasiin Cusmaan Colow oo loo Haysto Dilka Rabi Ha Unaxariistee Muxiyadiin Cabdi Xasan Iyo Dable Maxamed Cabdullahi Saciid Isna Loo haysto inuu Dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax.