NISA oo gacanta ku dhigtay Xubno AS oo Qaraxyo ku aasaayay Muqdisho.

Ciidanka Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada Khawaarijta ku guuleystay magaalada Muqdisho. Howlgalkaan, oo si taxadar leh loo qorsheeyey, ayaa lagu qabtay afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo waday miinooyin ay qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ayaa sheegay in dhagarqabayaasha la qabtay ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah shacabka, balse howlgalka NISA ayaa fashiliyey qorshahaas, iyadoo lagu guuleystay in la soo qabto miinooyinkii ay wateen. Tani waxay caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka inay ka hortagaan falalka argagixisada ee kooxaha Khawaarijta.

Dhanka kale waxaa jir digniino sheegayo in ay khawaarijtu qorsheeneyso wareerayo iyo qaraxyo ay ka fulinayaan Muqdisho taasi shacabku ka feejignaadaan weerarada ay Khawaarijtu damacsan yihiin inay ku beegsadaan goobo muhiim ah. Waxaa la farayaa shacabka in ay markasta ka war hayaan xaaladaha amniga, ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Kadib weerarkii argagaxisada ee musiibada ahaa oo lagu qaaday huteelka ku yaalla xeebta Liido ee Peach View, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo dhalinyaro ku caweynaysay xeebta, isla markaana ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 70 qof, ayaa laamaha ammaanka ee caasimadda Muqdisho heegan buuxa la galiyey.

Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada caasimadda, waxaana la adkeeyay amniga goobaha muhiimka ah, si looga hortago weerar kasta oo argagaxisadu damacsan tahay inay ka fuliso magaalada.

Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxay mar walba diyaar u tahay inay la dagaallanto kooxaha argagixisada, iyadoo kaashaneysa shacabka iyo hay’adaha kale ee ammaanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.