Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Koox Hubeysan ay dishay Allaha u naxariistee Cabdisahal Shuuriye Xuseen oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmadaas.
Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay damacsanayd in ay ka dhacdo Telefoonkiisa gacanta balse waxa ay ku dhufatay rasaas sababtay dhaawac halis ah oo soo gaaray oo ugu dambeyn u naf baxay sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Ciidamada Ammaanka Magaalada Baladweyne oo goobta gaaray ayaa billaabay baaris la xiriirta in la dabagalo kooxda burcadda ah ee dilka u geysatay Cabdisahal Shuuriye oo kamid ahaa mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Baladweyne.
Xaafadda Xaawo Taako oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne oo Dilka Marxuumka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa baarista u qaabilsan Booliiska si ay u raad-raacaan Kooxda hubeysan ee Dilka u geysatay Cabdisahal Shuuriye Xuseen.
Magaalada Baladweyne waxaa dhowaan la geeyay Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Eretareeya oo Cabasho ka keeneen qaar kamid ah Shacabka Xarunta Gobolka Hiiraan ku sugan maadaama ay tilmaameen in ay kordheen falalka la xiriira dhinaca amni darrada.